Lammaanaha ku guuleysta xiriirkooda waxa ay ka siman yihiin ama ay wadaagaan dhowr shey mana ahan xaqiiqdii ficil-maaleedka iyo waxyaabaha ay sameeyaan, kaliya waa sida ay yihiin dad ahaan iyo sida ay isula macaamilaan.
Haddaba waxaan halkaan idin kugu haynaa dhowr hab oo lammaanaha ugu faraxadda badan ku macaamilaan.
1- Noqda Saaxibada Ugu Wanaagsan: Lammaanaha farxadda badan wadaaga waxa ay sheegaan in ay yihiin dad saaxibo ah, romantic-na ah. Ka dhigashada lammaanahaada saaxiibka ugu wanaagsan ee qalbiga iyo sariirta waa qeybta ugu macaan xiriirka gacaltooyo oo labo dhinac yeeshaan.
2- Noqda Kuwo Naftooda Ka Hela: Lahaanshaha dareen naftaada aad ku qanacdo iyo xiriirkaada rafiiqa nolosha waa mid ka mid ah furayaasha lagu gaaro sacaadada. Noloshu waxa ay naga tuurtaa xaglo kala gaddisan, inaga oo aana lahayn awood aan ku arki karno halka ay inoo waddo nolosha. Waana mid la soo gabagabyn karo is-faham-waa kasta oo ka dhex abuurma lammaanaha.
3- Noqo Qof Diyaar U Ah Fikir Cusub: Haddii uu lammaanahaada doonayey kaliya inuu sameeyo/sameyso waxa adiga aad dooneyso, noloshaasi dhaqso waxay noqon doontaa mid aan xiiso laheyn oo niyad jab dhalisa. Inaad yeelato lammaane kuu soo bandhiga fikrado cusub iyo riyooyin waxey dunidaada iyo naftaadaba ka dhigeysaa mid guuleysata.
4- Filo Ha Lagu Fishee: Marka lagugu baaqo isbaddal inaa sameyso ama dhexdhexaadnimo, qasab maahan in aad durba aqbasho, laakiin arargtiyo kale oo horumar leh kana timid qof kale waa arrin kuugu filan kaana caawin karta in aad xalliso kala fikir duwanaanta qiireysan/xamaasadeysan ee ka dhex dhacda lammaanaha is jecel.
5- Noqo Qof Naxariis Badan: Naxariista iyo aadaabta waxaa suur gal ah in aysan qeybka aheyn damiirka aadanaha. Aadaabta wax is dhaafsiga iyo naxariistaba waxa ay qilaafaadka u baddalaan heshiis iyo is cafin, is-cafintuna waxey qilaafka u baddashaa wada shaqeyn iyo naxariis.
6- U Hibee Dareenkaada Oo Idil: Deeqsiinta ama siinta lammaanahaada dareenkaaga oo idil 100% marka uu doonayo/dooneyso inuu kula hadlo waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu xoogga badan ee dabarka u ah xiriirka jaceyl ee lammaanaha. Mucaashiqiinta sidan u dhaqma wa dhif iyo qaliil waxa ayna helaan jaceylka iyo xiriirka midka ugu macaanta badan nolosha adduunka.
7- U Muuji Qiiradaada Si Waadax Ah: Lammaanaha iska gaarsiiya ee is qabta marka ay dhex maraan muranada yar yar, noloshooda way waartaa wayna ku raaxeystaan si heer sare ah waxa ayna dareemaan caafimaad.
8- Noqo Qof La Aamini Karo: Si qofku u noqdo mid aamin ah waa inuu ku dhaqmaa habab lagu aamini karo. Waligaa ha siinin xaaskaada ama seygaada sabab aad uga shakiso/shakiyo daacadnimadaada. Mar walba oo aad ka maqan tahay u oggolow lammaanahaada in ay ogaato in aad wanaagsan tahay.
9- Noqo Mid La Heli Karo: Haddii lammaanahaada dhibaato la kulmo, noqo qofka ugu horreeya ee la xiriira ama gaara. Xiriirku waxuu ka macne yahay in lammaanahaadu dareemo in aad la jirto xataa aad ka fog tahay marka ay kuu baahdaan.
10- Noqo Qof Heegan Ah: Ha sugin marnaba arrimuhu xilliga ay qaldamayaan. Lammaanaha xiriirkooda ka dhiga mid faahfaahsan lehna qodobo, si wanaagsanna u fahamsan waxa ay u baahan yihiin mustaqbalka dhow iyo midka fog intaba, ayaa noqda kuwa ugu diyaar garowga wanaagsan marka ay wajahaan dhibaatooyin, sidaana waxa u horseeddaa xiriir guuleysta oo aan dhamaanin marnaba geerida ka hor.
Inaad noqoto waxa ugu wanaagsan ee lammaanahaada iyo naftaadaba u noqon lahayd waa qeybaha abaal gud ee ay mudan tahay lammaanenimada ama waxa loo yaqaano (Coupledom).
Ma dhib badna kaliya naftaada dhig meel horreysa oo wanaag uu buuxo, una dhaqan sidii aad jeclaan laheyd in laguula dhaqmo adiga, taasina waxa ay idinka dhigeysaa in labadiinaba aad si nabad ah uga soo baxdaan qalbiga halkaasoo ah goobta laga sameeyo xiriirka iyo jaceylka.
WQ. Yusuf Shuqale Hassan
yhamari@gmail.com
DHAMAAD.
Toban Dabeecadood Oo Ay Lamaanuhu Ku Gaari Karaan Farxadda Ugu Sarreysa
Reviewed by Aragti Xor Ka Ah Ibleys
on
March 23, 2015
Rating:
Reviewed by Aragti Xor Ka Ah Ibleys
on
March 23, 2015
Rating:
