Nafaqooyin Dabiici Ah Oo U Wanaagsan Jirka..

Nafaqadu waxa ay ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee saameeya koritaanka qofka. Nuucyada nafaqada ee uu qofku isticmaalo inta uu yar yahay ayaa ah tan saameysa qaab dhismeedka koritaanka jirkiisa; sida inuu koritaanka ka xumaado iyo inuu si wanaagsan u koraba.
Qofka oo ay nafaqo la’aani haleesho ama nafaqadu ku yaraato, kaliya ma ahan in qofkaasi cunto la’aani heyso ama uusan waxba cunin, waxaase taas keeni karta qofka oo inta badan cuna waxyaabo nafaqadu ku yar tahay – haba cuno cunto badan haduu doono’e.
Si kale haddaan u iraahdo nafaqada oo yaraata ama nafaqa-darradu waa dheelli-tir la’aanta ka dhaxeysa tirada cuntada iyo tayadeeda, ee uu jirku u baahan yahay, gaar ahaan koritaanka iyo dhaqdhaqaaqa jirkaba.
In si dhexdhexaad ah wax loo cuno ayaa ah isha kaliya ee nafaqada laga helo, waayo cunidda cunto badan oo ay ku badan tahay sokorta, dufanka (Fats) iyo waxa loo yaqaano Kaarbohaaydareyt (carbohydrates), waxa ay dhalisaa in qofku miisaankiisu bato, kana qaado xanuuno halis ah sida wadne-xanuun, kaadi-sokorow, dhiig-kar, kolestarolka jirka oo bata, cudurada caloosha iwm.
Cuntadu waa daruuri waana wax lama huraan u ah jirka, hayeeshee waa in ay noqotaa mid xadeysan oo miisaan lagu cuno. Cuduro badan ayaa ka dhasha tayo xumida cuntada iyo tiro badnaanteeda. Waxaana jira xiriir xooggan oo ka dhaxeeya caafimaadka wanaagsan iyo nafaqada la cuno.
Hadda waxaa jira nafaqooyin dabiici ah oo aad ka helo karto gurigaada ama jikadaada, adiga oo aan u baahan dabiibe (dhaqtar) ama kaniini aad cunto, waxaana sadaradan hoose kaga hadli doonnaa, dhowr cunto oo u wanaagsan jirka, inta uu ilaaheey naga waafajiyo:
B – Barotiin (Protein): barotiinku waa waxyaabaha lagama maarmaanka u ah qaab-dhismeedka unugyada jirka. Barotiinada waxaa loo qeybiyaa labo nooc oo kala ah:
1) Barotiinka laga helo xoolaha: nuucan waxaa laga helaa hilibka, kalluunka, caanaha, jiiska (cheese), ukunta IKK. Waxaa qasab ah in kuwani noqdaan 3 meelood meel (1/3) barotiinada aad isticmaaleysid, waana muhiim in si dheellitiran loo qaato, maxaa yeelay marka aad si xad-dhaaf ah u isticmaashid, waxa ay kugu ridi kartaa kelyo xanuun, kala-goysyada oo ka jirrada, kolestaroolka dhiigga oo ay badiyaan iwm.
2) Barotiinka laga helo dhirta: nuucan waxaa laga helaa digirta, lowska, salbukada, IKK. Nuucan wuxuu muhiim u yahay dhismaha jirka iyo fayo-qabnaanta.
T – Dufanka iyo Karbohaydareyt: kuwani waxaa laga helaa sokorta, bariiska, qamadiga, baastada, bataatiga, malabka IKK. Muhiimad ahaan waxa ay ku soo xigaan barotiinka, maxaa yeelay wax ay soo saaraan tamarta jirka, sida kuwii hore oo kale, kuwanina waa in taxaddar loo qaataa, maxaa yeelay waxa ay dhibaateeyaan qaabka dheef-shiidka; beerka iyo caloosha, haddii la iska badiyo. Dadka buur buuran ayagu waa in ay isticmaalaan caddad aad u yar oo ah cunada leh dufanka iyo sokorta, waayo jirku waxa uu sokorta u beddelaa dufan waana uu kaydiyaaa. Dadka cayilan waxa ay ku qasban yihiin in ay sameeyaan jimicsi ama dhaqdhaqaaqyo kale si ay u gubaan dufanka ku keydsamay jirkooda.
J – Macdanta iyo Fitamiinada: waxaa laga helaa cunto-dhireedda gaar ahaan khudaarta iyo miraha (fruits), waxey caawiyaan mindhicirada ayaga oo u sahla habka qashin-saarka jirka. Cusbada waxaa ku jira waxyaabo badan oo muhiim u ah dhismaha lafaha sida Kalsiyum (Calcium) iyo Fosforos (Phosphorus) iyo sidoo kale birta (Iron) oo dhiigga u wanaagsan. Macdanta iyo cusbooyinka waxaa laga heli karaa xawayaanka iyo dhirtaba. Fitamiinada ayagu aad bey muhiim u yihiin, waxaana la’aantooda laga helaa tabar-dari, ciridka oo ku dhiiga (fitamin C oo maqan), lafaha oo ku jilca (fitamin D oo maqan), xanuun neerfaha, wadnaha oo daciifa iyo cunnada oo laga go’o (fitamin B oo maqan), ka hortag la’aan caabuqa (infection) (fitamin A oo maqan).
Haddaba nafaqo wanaagsan waxa ay u baahan tahay in la dheelli-tiro, lana diyaarsado qaab wanaagsan oo cuntada iyo waxyaabaha kale loo agaasinto, sida in aad sameysato jadwal cunto oo toddobaadle ah, adiga qoranaya inta barotiin, fitamiin, macdan, dufan iwm ee aad u baahan tahay.
Arrimahan ku aaddan nafaqada jirka iyo gaar ahaanba carruurta iyo daryeelkooda waa lagama maarmaan inta ay koriimada ku jiraan. Rasuulka SCW waxa arrimahan daryeelka iyo nafaqada ilmaha uu kaga hadlay ilaa toddobo (7) Xadiith oo laga wariyey.
Intaas aan soo qoray waxaan rajeynayaa in aniga iyo adigaba (aqriste) ay na anfacdo kuna dadaalno caafimaadkeena, anaga oo dariiqa rasuusla SCW u mareyna manafacaad kasta oo jirkeena iyo nafteenaba u baahan tahay.
W.Q. Yusuf Shuqale Hassan.
twitter@shuqale
Nafaqooyin Dabiici Ah Oo U Wanaagsan Jirka.. Nafaqooyin Dabiici Ah Oo U Wanaagsan Jirka.. Reviewed by Unknown on January 23, 2016 Rating: 5
Powered by Blogger.